Maxaa ka cusub Doorashadii Deni & fariisinta golayaasha deegaanka gobolka Mudug

16 Sep 2023 (Puntlandes.com) Xukuumadda Siciid Cabdulaahi Deni oo wax ka bedel ku samaysay xeerka Doorashooyinka Goleyaashada Deegaanka Puntland iyo Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka Puntland ayaa ku fariisinaysa golayaasha deegaanka heshiis ay Ururadu ku heshiiyeen Ururka qaadanaya gudoomiyaha degmada iyo kan qaadanaya kuxigeen.

Goleyaasha deegaanku ma dooranayaan gudoomiyaha degmada iyo kuxigeenkiisa ee waxaa heshiis ku magacaabaya Ururada, madaxweyne Deni ayaa dabada ka riixaya isagoo aan u hayn dhaqaale uu ku maareeyo.

Gobolka Mudug oo ay ku sugan yihiin wafdi wasiiro iyo xildhibaano ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayey waxay ku hormareen degmada Gaalkaco iyagoo u soo magacaabay gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Xasan Maxamed Jaama (Jidxun) oo laha soo doortay Ururka Kaah iyo ku xigeenkiisa Maxamed Ciise Xusseen loo doortay Ururka Ifiye.

Sidoo kale Degmada Galdogob oo ay fariisiyeen goleheedii deegaanka ayey u magacaabeen gudoomiye Xassan Faarax Ayaxle oo laga soo doortay Ururka Kaah horayna usoo noqday gudoomiye.

Xildhibaanada Golayaasha deegaanka iyo shacabkii doortayba aad ayey uga soo horjeesteen heshiis la gu magacaabo madaxda degmooyinka oo aysan dooran xildhinbaanadu.

Hadaba maxaa ka cusub fariisinta golayaasha?

Wasiir Juxaa ayaa iyo wafdigiisi ayaa xalay Gaalakcyo dib ugu laabtay ka dib markii ciidamo hubaysan ay la wareegeen degmada Bursaalax oo uu doonayey in uu fariisiyo golaha degaanka, iyadoo markay ku sugnaayeen Galdogob loo diiday inay taagan degmadda Saaxo oo doonayeen inay fariisiyaan golaheeda.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Puntland Cabdalla Cali Maxamed (Xaashaawe) ayaa isagana laga soo celiyey degmada Jariiban oo dib ugu laabtay Galakacyo, degmada Xarfo ayaa iyadana wasiiradu ku guuldaraysteen, halka degmada Burtinle Ciidamo la wareegeen.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay inuu madaxweyne Deni amar ku siiyey wasiirada inay fuliyaan waajibaadkii uu siiyey oo ah inay fariisiyaan golayaasha kuna dhawaaqaan madaxda degmada loo magacaabay.

Doorashadii Deni waxay ku soo ururtay afduub iyo in lasoo magacaabo madaxda maamulaysa degmadda iyagoo aan helin xasaanadda xildhibaanada gollaha Deegaanka, taas oo ay ka dhalatay caro aad u xoogan oo keentay in degmooyinka badankooda laga diido.

Horay waxa u jiray goleyaal deegaan oo diidmo ka muujiyey heshiiska Ururada ku magacaabayaan madaxda degmooyinka.

About The Author