Sawirro: Shir looga hadlayey xoojin Amniga Tartanka Ciyaaraha 9-aad ee Gobolada Puntland oo ka dhacay Gaalkacyo

17 Sep 2023 (Puntlandes.com) Shir looga hadlayey sidii loo xoojin lahaa Amniga Tartanka Ciyaaraha 9-aad ee Gobolada Puntland oo ka socda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa saaka lagu qabtay Magaalada.

Shirka oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta kala duwan oo ay kamidyihiin wasiirada Arimaha Gudaha iyo Ciyaarada, Gudoomiyaasha labada Gobol Mudug iyo Nugaal, gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo, Xirirka Kubada Cagta Puntand, Laamaha Amniga Booliska, maamulka labada Xul ee Mudug Iyo Nugaal Iyo Masuuliyiin kale iyadoona halkaas looga hadlayay xoojinta Amniga Ciyaarta kama dambaysta ah ee u dhaxaysa Gobolada Mudug iyo Nugaal.

About The Author