Muuqaal: Wax ka bedelka Xukuumadda Puntland ku samaysay Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismayaasha Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland LR7.

20 Sep 2023 (Puntlandes.com) Xukuumadda Puntland ayaa ku samaysay wax ka bedel Xeerarka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismayaasha Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland LR7.

Xukuumadda Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Siciid cabdulaahi Deni ayaa dastuurkii iyo Xerarkii Puntland waxay u bedeshay sida ay deni ugu jirto madaxweynaha, waana sababataas loo bedelay Xeerarka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismayaasha Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland LR7.

Madaxda degmooyinka ee ay ahayd in shacabku toos usoo doorto ama inay si dadban u doortaan oo ay doortaan Xildhibaanada golayaasha deegaanka ee ay shacabku soo doorteen ayaa waxay u bedeshay in la soo magacaabo.

Hoos ka daawo Agaasimaha Waaxda Nabad-dhiska iyo Dibu-heshiisiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdulqaadir Cabdimaalik Maxamuud (Maaliki Ilweyn) oo akhrinaya habraaca fariisinta Goleyaasha Deegaanka ee ku xusan qodobka 29-aad ee xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismayaasha Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland LR7.

About The Author