Sawiro: 4 wasiir oo ka mid ah wasiiraddii la magacabay oo lagu dhaariyay madaxtooyadda Puntland
17 jun 2015 (Puntlandes) Waxaa maanta ladhaariyey 4-wasiir oo kamid ah Wasiiradii shalay uu magacaabay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas .
Munaasibad kooban oo loo qabtay dhaarinta wasiiradaan ayaa waxaa ay ka dhacday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.
Afarta wasiir ee maanta loo dhaariyey gudashada waajibadka shaqo ee saaran waxaa ay kala ahaayeen Wasiirada la dhaarshay Wasiirka amniga iyo DDR-ta Cabdi Xirsi Cali Qarjab, Wasiirka maaliyadda, Cabdullaahi Shiikh Axmed , Wasiirka Xanaanada xoolaha, Cabdi-jamaal Cismaan Maxamed iyo Wasiirka Beeraha iyo waraabka Cabdullaahi Cali Xirsi.
Dhaarta kadib ayaa GAAS waxaa uu hambalyeeyey wasiirada cusub , isagoona alle uga baryey in howsha hortaala uu u fududeeyo noqdaana kuwo ku guulaysta shaqada loo idmaay.
‘’ Waxaan idinkula dardaarmayaa inaad sida aad ugu dhaarateen dalkiina iyo dadkiina ugu shaqeysaan , daacad u ahaataan , wixii masuuliyadiina wax u dhimaya idinkana leexinaya ujeedooyinka , himilooyinka iyo waxa laydinka filayana wax u dhimaya oo idinka weecinayana ka leexataan ‘’ Ayuu yiri Madaxweynuhu .
‘’ 24-ka saac inaad shaqeysaan baa laydinka rabaa , masuuliyad baa idin saaran intaas oo umadana waa idin sugaysaa , waa howl aad iyo aad u dhib badan waana muhiim in xilkiina aad gudataan ‘’ Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweyne Gaas.