Golaha Wasiirrada Puntland oo isku raacay in la joojiyo wax ka barashada buugga taariikhda dugsiyada sare

21 Sep 2023 (Puntlandes.com) Golaha Wasiirrada Puntland oo shirkoodii todobaadlaha ahaa yeeshay uunana gudoomiyey Axmed Karaasha ayaa isku raacay in la joojiyo waxkabarashada buugga taariikhda dugsiyada DSare iyo in baaritaan lagu sameeyo cidda leh mas’uuliyadda qaldida jaanusta iyo sooyaalka dhulweynaha Puntland.

Khaladaadka buugga taariikheedda dugsiyada Sare kaasoo ah in gobolka Mudug uu ku daray Galmudug, gobolada Sool iyo Sanaagna wuxuu raacshay Somaliland.

Golaha Wasiirada kadib oo dood ka yeeshay qaladaadka Dastuuriga ah ee ku jira Buugaagta Taariikhda ee Manhajka Dugsiyada Sare ee Puntland, wuxuu Goluhu go’aamiyey:

1: In la buriyey in wax laga barto Buugta khaladaadka Dastuuriga ah lagu helay ee ah Maadada Taariikhda Fasalka 4-aad ee Dugsiyada sare ee Puntland, Lana soo xereeyo dhammaan Kuwa sida khaldan u daabacan.

2: In heshiiskii Shirkada Daabacday Manhajka la joojiyey gabi ahaanba.

3: in Xeer ilaalintu baadhitaan deg deg ah sameyso si sharciga loo horkeeno cidii Denbiga gashay.

About The Author