Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoonka labada Aqal kulan wadajir ah kula qaatay Dhuusamareeb

21 Sep 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wadajir ah kula qaatay magaalada Dhuusamareeb, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo dardar galinta dagaalka ciribtirka Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka siiyay guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka dalka guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka argagixisada oo bilooyinkii lasoo dhaafay si dardar leh uga socday deegaanada dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, isaga oo soo bandhigay sida ay lagama maarmaanka u tahay in loo midoobo sidii waqti kooban cadowga looga saari lahaa deegaanada ay wali kaga dhuumaaleysanayaan dalka.

Dhankooda, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda oo Dhuusamareeb u yimid dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo garab istaagga kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ay uga qaybqaadanayaan dagaalka Khawaarijta ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyay doorkiisa hoggaamineed iyo sida uu muhiimadda koowaad uga dhigay la dagaalanka Khawaarij, iyaga oo xusay in ay si buuxda u garab taaganyihiin ciidamada qaranka iyo kuwa difaaca shacabka ee u taagan dabar-goynta cadowga iyo ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

About The Author