WQ Abdighani Orhaye: Madaxweynihii Dimoqraadiyadda ee Puntland yaa meel ku sheega Muddo 60 bari ka badan

Madaxweynihii Dimoqraadiyadda ee Puntland yaa meel ku sheega Muddo 60 bari ka badan

Waxaan ka dhaxalnay

1) Doorkii Dhaqanka oo lumay: dhaqanka Puntland wuxuu ahaan jiray marjac kala saara marka arrimuhu adkaadaan ee siyaassadda iyagoo aan cidna u xaglin, laakiin danta guud ee Puntland ka eega, maantaa waxaa ay awoodi waayeen in ay isu yimaadaan.

2) Dastuurka oo lama taabtaan ahaa: Maanta ka dib waxaa furan in dastuurka la farafareen karo oo qof kasta ku dhiirran karo in wax laga baddelo oo ku saleysan hadba sida uu baahidiisa u arko.

3) Xurmadii dowladnimada yaa dhimatay, oo madaxweynahu wax uu xeerinayo ma jirto. Dowladnimadu waxaa ay ahaan jirtay qiyam.la ilaaliyo, oo qof kasta ku faano, laakiin maanta waxaa dhaceysa in dagaallo aan loo baahneyn dhacaan dad badani ku dhintaan ka dibna horey loo sii socdo iyadoo aan laga xisaabtamin ama dib loo eegin wixii dhacay.

Sidoo kale Madaxtooyadii baarlamaankii, iyo Maxkamadihii oo hal xafiis isku noqday meeshii ay is ilaalin lahaayeen, iyagoo isla xisaabtan dhab ah aysan jirin.

Waxaa intaa ka sii daran in loo sii sacabo tumayo, oo noolow ma daaloow la leeyahay. Waxaa lacag lagu bixiyaa wax kasta oo dowladnimada Puntland burburin kara sida in dhaqanka aysan shirin si aysan u soo saarin wax go’aan ah oo dowladda Pubtland ka soo horjeeda ama doorasho aan muddo 5 sano ah socota.

Waxaa dhacday in muddo sanad ka badan isku darkooda aan wax mushaar ah la bixin iyadoo maalinkii Puntland uu madaxweyne ka noqday ilaa maalinkaa Maanta ah xoolihii Puntland doorasho Federaal ah iyo mid Puntland ah oo aan natiijo laga keenin u diyaargarowgeeda lagu dhammeeyey iyadoo cid wax ka weydiin kartaa aysan jirin.

Taariikh baa qormeysa, waxba ma tareyso isu jawaabid iyo af lagaaddeyn, waxaa na hor yaal xaalad aan afka laga qabsan karin, waliba dhallinyarada wixii aan in muddo ah ka digeynay ayaa bannaanka u soo baxay oo ah maanta, is maaweelintii aheyd codkiinna ku ciil baxa, oday dambe ma jiro, nin baa laga hayaa “sadaqadaan ka dhergi doono sansaankeedaan ka gartaa”

1) Doorasho iyo dimoqraadiyad warkeeda ha sheegin, oo xaglo laaban bey dhigatay waana isla wada xawaareyneysaa, ilaahow halkii roon.

2) Amni gacanta kuma jiro oo waxaa halis loo yahay, wixii laga duceysan jiray, rabbi amni yaan ka baryeynaa

3) Dhaqaale ma.jiro oo warkiisa ha sheegin, oo qof dowladda la xisaabtami kara ma jiro, kii qeylo dheereeyana waan garaneynaa sida loo aamusiyo oo shilimaad baa loo tuuri ama qof baa loo shaqaaleysiinayaa. Labo sekadood, 3 Airport, labo badood, 1/3 dhulka soomaaliya, yaa haddana mushaar la waayey iyo 60 bari waxaan ku dalxiisayaa Dubai, waa isu key qaban la’dahay

4) Arrimhii bulshada sida caafimaad, waxbarasho warkeeda ha sheegin, oo buugaagtii carruurta wax lagu barayey baa qaanso roobaad aan laga warheyn ka soo baxayaan, dowladdiina kama warqabto oo doorasho aan natiijo laga keenin yey ku mashquulsan tahay

5) Wuxuu Siciid Deni dayacay xiriirkii soo jireenka ahaa ee ay Puntland la hayd Soomaalida kililka, tan Jubbaland iyo Kenya oo uu dhaawac aan laga soo kaban karin u geystay

Qofka dictator ah innagaa gacanteenna ku sameyna oo intaas oo khalad ah yaan amman ugu darnaa

Intaa kore waa dareenkeyga iyo sida aan wax u arko, waxaa codsanayaa arrimaha jira in si dhab ah looga hadlo (issue based discussion) oo laga hadlo welwelka dadka heysta, qofkii aragti kale qaba waa cabbiri karaa aragtidiisa, isagoo arrimaha jira si dhab ah abbaaraya.

Rabbi waxaan ka baryeynaa Amni,

WQ Abdighani Abdi Jama (Orhaye)

About The Author