WAR DEG DEG AH: Cadaado oo lagu ansixiyey inay Xuduuda Maamulkaas tahat Gobolka Nugaal
17 jun 2015 (Puntlandes) Ergada shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ayaa maanta ansixiyay dastuurka uu yeelanayo Maamulkaas, oo ay maalmihii ugu dambeeyay ka doodayeen.
351 Ergo ayaa cod gacantaag ah u qaaday dastuurka kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Cadaado. Dastuurkan KMG ee Maamulka Gobollada Dhexe ayaa gacan taag ku ogolaaday 310 xubnood , halka 12 Ergo ay diideen 29 ka kalena ay ka aamuseen.
Dastuurkani wuxuu xadgudub ku yahay dawlada Puntland
Waxyaabaha ugu waaweyn ee dastuurkan la ansixyay ku xussan ayaa waxaa ka mid ah, xudduudda maamulkan cusub uu yeelan doono. Qodobka xuduudaha gobolka oo dhigaya in gobolka xadkiisu uu yahay Gobolka Nugaal oo ka tirsan dowlada Puntland. Qodobkan waxa uu burinayaa heshiiskii dowladda Federalka iyo Maamulka Puntland ee ahaa in Maamulka Gobolada Ghexe uu ku ekaado Koonfurta Magaalada Galkacyo.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Federalka ee dowladda Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo la hadlayay raadiyaha dowladda ayaa sheegay in todobaadyada soo socda uu shirku dhameystiri doono doorashada baarlamanka iyo madaxweynaha.
Fidnada ay DFS ka abuurayso Gobolka Mudug Cid la wadaagaysa ma jirto Mas’uuliyadeeda
DFS ta Xasan Sheekh waxay geed dheer iyo mid gaabanba u kortay inay xasarad ka abuurto Gobolka Mudug iyadoo gadaal ka riixaysa sheegashada uu cabdiqaybdiid sheeganayo in uu leeyahay Gobolka Mudug oo idil halka uu Gobolku kala qaybsam yahay ayna inta badan xukunto Puntland oo ay dadka degeni wax ka dhisteen.
Dhagayso: RW Sharmarke ”Koonfurta Mudug iyo Galgaduud weeye maamulka cadaado laga samaynayo”
Puntlandes.com