Muuqaal-Sawirro: Golaha dhexe SSC-Khaatumo oo ansaxiyey golaha Xoghayayaasha Maamulkaas

25 Sept 2023 (Puntlandes.com) Golaha dhexe ee SSC-Khaatumo ayaa ansaxiyey oo meel mariyey golaha Xoghayayaasha Maamulka SSC-Khaatumo ee uu soo magacaabay maalmo ka hor hoggaamiyha Maamulka.

Munaasibada ansaxinta oo ay goob joog ka ahaayeen badanaa Xildhibaanada golaha dhexe , Gudoomiyaha iyo labada ku xigeen ayaa waxaa codsi u soo jeediyey inay ansaxiyaan Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane C/Qaadir Axmed Awcali.

33 Ka Xubnood oo Goobjoog ahaa ayaa 100% siiyey codkooda inay meel maraan golahan.

Hogaamiyaha oo ay weheliyaan Hogaamiye ku xigeenka Mudane Dr Maxamed Shiine ayaa uga mahad celiyey ansaxintan , Waxaana uu balan qaaday inay ku shaqayn doonaa Hufnaan , Cadaalad, iyo Horumarka bulshada SSC-Khaatumo.

About The Author