Akhriso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo soo saartay habraac cusub oo adkaynaya fariisinta Golayaasha deegaanka degmooyinka dhiman

02 Okt  2023 (Puntlandes.com) Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa waxay soo saartay habraac cusub oo adkaynaya fariisinta Golayaasha deegaanka degmooyinka dhiman ee 11ka ah iyo magacaabista madaxda degmooyinkaas.

Degmadda Bosaso oo ka mid ah degmooyinka uu ka jiro khilaafku ayna adkaatay in la fariisiyo ayey dawladdu waxay ku guulaysan wayday inay hesho Kooram uu ku furmo oo ahayd hal dheeri noqonaysansa 17 xildhibaan iminka Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay ka dhigtay 22 xildhibaan fariisinta halka magaabistana ay magacyadooda tahay inay qoraal 17 xildhibaan haddii kale aan la magacaabi karin.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka wasaaradda:

Si looga fogaado muran iyo isjiid-jiid siyaaseed, loona ilaaliyo hufnaanta iyo daah-furnaanta hannaanka dhismaha Goleyaasha Deegaanka, loona dhowro himilada dimuqraadiga ah ee codbixiyaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay iftiiminaysaa qodobada hoos ku xusan.

1. FARIISINTA IYO DHAARINTA GOLEYAASHA.

DEEGAANKA DEGMOOYINKA

Fariisinta iyo dhaarinta Golaha Deegaanku waxay ku ansaxaysaa in ay seddex meelood oo labo meelood (3/2) tirada guud ee Golaha Deegaaku dhaartaan Fadhigana joogaan, taas oo ku dhisan darajooyinka Degmooyinka sida, A, B iyo C. kuna cad shaxdaan hoose.

A. Degmada ah darajada A, oo ka kooban 33 xubnood, waa in ay Golaha Fadhiyaan, dhaarta dastuuriga ahna maraan 22 xubnood ah oo ah seddex meelood oo labo Meelood (3/2) tiradaa Guud ee xubnaha Golaha Deegaanka Degmada.

B. Degmada ah darajada B, oo ka kooban 27 xubnood, waa in ay Golaha Fadhiyaan, dhaarta dastuuriga ahna maraan 18 xubnood ah oo ah seddex meelood oo labo Meelood (3/2) tiradaa Guud ee xubnaha Golaha Deegaanka Degmada.

C. Degmada ah darajada C, oo ka kooban 21 xubnood, waa in ay Golaha Fadhiyaan, dhaarta dastuuriga ahna maraan 14 xubnood ah oo ah seddex meelood oo labo Meelood (3/2) tiradaa Guud ee xubnaha Golaha Deegaanka Degmada.

2. DOORASHADA GUDDOONKA GOLAHA.

DEEGAANKA.

Guddoonka Golaha Deegaanka waxaa lagu dooranayaa 50+1 tirada guud ee Golaha Deegaanka sida uu qabo qodobka 29-aad ee Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland(LR.7). farqadihiisa 1-aad, 2-aad ama habraaca farqadda 3-aad ee qodobka 29-aad. Haddii laga maarmi waayo.

3. Si loo xaqiijiyo hannaankaan waa in magaca oo seddexan laga buuxiyaa lagana saxiixaa xubnaha Golaha Deegaanka ee fadhiga Golaha jooga una diyaarsan Dhaarta Dastuuriga ah.

About The Author