Sawirro: Golaha Deegaanka Bosaso oo labo garab u kala jabay & dawladda oo…..

03 Okt  2023 (Puntlandes.com) Golaha Deegaanka Bosaso ayaa wuxuu u kala jabay labo garab iyadoo ay dowladda dadaalkeedii iyo lacag bixintii ay u shaqayn wayday.

Dowlada iyo isbahaysigeedu oo kooban Ururada Kaah, Sincad, Mustaqba, Ifiye iyo Shaqaalaha ayaa haysta 14 xildhibaan kaliya halka ay Ideeye haysto 19 xildhibaan.

Madaxweyne Deni ayaa diiday qoraalkii shalay ka soo baxay Wasaarada Arimaha guduhu ka soo saartay tirada Dhaaarinta iyo Fariisinta Golayaasha degaanka degmooyinka dhiman ay ku ansaxayso, taas oo Bosaso ah 22 xildhibaan dhaarinta iyo magacaabis 17 Xildhibaan oo isqora (ogolaada).

Hoolka xarunta maamulka gobolka Bari oo la qorshaynayo inay ka dhacdo fariisinta iyo magacaabista guddoomiyaha degmada Boosaaso iyo Kuxigeenkiisa ayaa waxaa ku soo xaadiray 12 Xoldhibaan.

Waxay tani ka dhigan tahay inuusan wali buuxsamin kooramka ama aqlabiyada xubnaha dooranaya Guddoonka.

Dhanka Mideeye ayaa waxaa jira xildhibaanadii golaha intoodii badnayn laakiin dimoqraadiyadda Siciid Deni ayaa sidaan uu xoogga ku fulinayo ah.

About The Author