Mideeye oo dhaariyey madaxda Bosaso

03 Okt  2023 (Puntlandes.com) Ururka Mucaaradka ee Mideeye ayaa dhankooda doorasho ay qabteen waxay ku dhaariyeen Maayirka iyo kuxigeenkiisa.

Mideeye ayaa Maayirka Boosaaso u dhaariyey Ganacsade Cabdiraxmaan Jinac oo ka soo baxay Mideeye , halka Cumar Mursal oo Mustaqbal ka tirsan ay u dhaariyeen ku-xigeen.

Xarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso ayaa markii ugu horaysay taariikhda waxay yeelatay labo maamul oo iska soo horjeeda, waana mirihii Boobka uu Siciid Deni ugu yeeray dimoqraadiyadda.

About The Author