Wasiir Juxa oo ka horyimi doorashooyin isbarbar socdey ee Bosaso kadhacey

03 Okt  2023 (Puntlandes.com) Wasiir Juxa ayaa ka horyimi doorashooyin isbarbar socdey ee maanta Bosaso ka dhacey, wuxuuna sheegay in Bosaso uusan gole deegaan ka dhismin, Maayer iyo kuxigeena aan lagu magacaabin.

Wasiir Juxa oo waraysi siiyey Radio Daljir ayaa yiri “Bosaso gole deegaan kama dhismin, guddoona lagama dooran, labada doorasho ee dhacay midna ma waafaqsana habraacii aan dejiney, waxa rasmiga ah ee aan sheegayaa Bosaso gole deegaan kama dhismin Waxaa kaliya oo ka jira 33 xubnood oo la soo Doortay maanta 16 xildhibaan iyo 16 xildhibaan ayey labada dhinacba dhaariyeen 1 xildhibaana ma Dhaaran”

Maanta ayaa Dowlada iyo isbahaysigeedu oo kooban Ururada Kaah, Sincad, Mustaqba, Ifiye iyo Shaqaalaha ayaa haysta 16 xildhibaan waxay Cabdifitaax Shanle kana tirsan xisbiga SINCAD iyo suxufi Bashiir Faarax oo ka tirsan xisbiga Mustaqbal ay u kala magacaabeen Maayirka iyo ku-xigeenka, halka Mideeye uu Maayirka Bosaso u magacaabay Cabdiraxmaan Jinac oo ka soo baxay Mideeye iyo Cumar Mursal oo Mustaqbal ka tirsana kuxigeen.

About The Author