PUNSAA oo walaac xoogan ka muujisey sida dowladdu u dhistay Maamulka Bosaso

04 Okt  2023 (Puntlandes.com) Daladda Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland, (PUNSAA), ayaa walaac xoogan ka muujisey sida dowladdu u dhistay Maamulka xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso.

PUNSAA ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “PUNSAA waxay ka walaacsantahay tahay hanaanka loo maareeyay fariisinta golaha Deegaanka ee degmada Boosaaso, 03-10-2023, waxayna ku baaqaysaa in khilaafka ka taagan dhismaha degmada lagu dhameeyo wadahadal iyo isu tanaasul lagana fogaado tallaabo kasta oo keeni karta Khalkhal amni, xagal daacinaysana dadaalka bulshadu ay usoo gashay helida gole deegaan oo cod shacab ku yimid.”

About The Author