Sawirro: Boqor Burhaan oo si diiran loogu soodhaweeyay Laascaanood

05 Okt  2023 (Puntlandes.com) Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wefti uu hogaaminayo ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood.

Boqorka oo ka hadlay ujeedada socdaalkiisa iyo Isimo ka yimid Jubaland ayaa qoraal ku yiri:

Bismillaah

Laascaanood, 05/10/2023

Waxaan maanta booqasho ku tagney magaalada Laascaanood ee xarunta mamaulka SSC-Khaatumo, aniga iyo wefdi kale oo ka yimid Jubaland, Kenya iyo deegaano kale, Waxaana wfdiga Jubaland hoggaaminaayey Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane, waxaa ka mid ahaa Ugaas Xuseen Ugaas Cismaan Nuur Ugaas Maxamed Ugaas Sahal, Ugaas Maxamud Ugaas Axmed Ugaas Maxamed, Nabadoon Xuseen Salaad Caddow, Nabadoon Maxamud Dubad Xaashi iyo cuqaal.

Waxaan si weyn ugu mahad celinayaa bulshada SSC-Khaatumo ee sida weyn maanta noo soo dhaweeyey oo ay ugu horeeyaan isimada iyo mamaulka SSC, waxaad na tusteen gacatooyo, waana mid aanan marnaba ilaawi doonin sida aad noo sharafteen.

Waxaan rabbi uga mahadcelinayaa in aan imid Laascaanood oo nabad ah, dadkeedi oo walaalo mideysan ah, aayahoodi ka tashtey, rabbina raxmadiisi u shubey, waxaan halkan joogayaa maalmahan soo socda waxaana kulamo la qaadan doonaa Isimada iyo bulshada reer SSC waxaana ka tashanaynaa sidii loo adkeyn lahaa nabadda, wadajirka iyo walaalnimada.

Mar kale ayaan ku celin baaqii aan jeediyey dhamaadkii sanadkii hore iyo sanadkan bilowgiisi. Nabad ayaan ku baaqi, deris wanaag ayaan ku baaqi, dadkaan cidna duulaan kuma aha, sharaftooda iyo karaamadooda ayey difaacdeen, Ilaahay sida uu quraankiisa ku yiri dhulka isaga ayaa leh. Laakiin bini’aadamka ayuu khaliif uga dhigey, cidkastana meel ayuu ku beeray. Somaliland ha qaadato nabadda hana ku waano qaadato wixii dhacay, inaan cidna cid kale khasbi karin oo ku sanduleyn karin si aysan iyagu rabin.

Rabbi waxaan inooga baryo amni iyo istiqraar, kuwii u shukri naqa ha inaka dhigo aamiin

Wabilaa towfiiq

About The Author