Axdiga maamulka Gobolada dhexe oo la ansixiyey, DFS oo Qaadaysa mas’uuliya dhibka ka yimaada Sheegashada G MUDUG!!
Ergada shirka Cadaado u fadhida ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyey Axdiga maamulka kumeel-gaarka ah ee gobolada dhexe ee Cadaado lagu dhisaayo, xaruntiisuna noqon doonto Dhuusamareeb
Afhayeenka ergada ayaa sheegay in codeyntu ku dhacdey si gacan taag ah, waxaana Axdiga oggolaadey 310 ergey, waxaa diidey 12 qof, waxaana ka aamusey 29 qof. tirada guud ee rgada ayaa ahaa 350 ergey.
Axdigan ayaan waxba laga beddelin, sida Caasimadda oo ah Dhuusamareeb, maamulka magiciisa oo ah Galmudug, oo ahayd meelaha khilaafku ka taagnaa.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Odowaa ayaa warbaahinta dowladda u sheegey in hadda lo gudbaayo wejigii saddexaad ee ah in la soo xulo 78 Xildhibaan , kuwaas oo dooranaya Madaxweyne iyo ku-xigeenkiisi.
Waxaybaaha Axdigan lagu dhigey waxaa kamid ah in maamulku xuduud la lee yahay gobolka Nugaal ee Puntland.
Maamul u sameynta Gobolada Dhexe waxaa saxiixey bishii Luuliyo 2014, waxaa saxiixey
- Galmudug
- Ximan iyo xeeb
- Ahlu sunnan, iyo Wasiiro beelahooda u saxiixey oo kala ah
- Mustaf Dhuxulow (Hawiye/Murursade)
- Ducaale Aadan Maxamed (Dir)
- Axmed Cali Salaad (Daarood/Mareexaan)
- Mahad Maxamed Salaad (Hawiye/Habargidir/Cayr).
Gobolka Mudug intiisa badan waxaa uu ka tirsanaa 17 sano Puntland, waxba lagama weydiin dadkaas maamulkan, waxaa la is weydiinayaa sida Nugaal ay xuduud ugu noqon karto haddiiba aan markii hore waxba laga weydiin mise waa dad ku soo barakacay gobolka?, Mise Cabdi qaybdiid ayaa metala!!?.
Waxaa marar badan Dowladda Federaalka Iyo Puntland ka wada hadleen khatarta iyo dhibta ka imaan karta haddii aysan hadda wax ka qaban, afna aan lagu sheegan karin dhul maamul iska lahaa 17 sano.
Qaar kamid ah masuuliyiinta gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa saxaafadda u sheegey in taaasi macnaheedu yahay iclaamin dagaal iyo xadgudub, afna aan lagu yeelan karin dhul ninkiisi u taliyo.
Xigasho; Horseedmedia