Sawirro: Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka oo kulan layeeshay hoggaamiyaha Maamulka SSC-KHAATUMO

08 Okt  2023 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mahamuud Moallim Abdulle oo uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku soo dhaweeyey hoggaamiyaha Maamulka KMG ee SSC-KHAATUMO Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Hoggaamiyaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Fulinta maamulkaas iyo Ergeyga gaarka ee gargaarka u qaabilisan hoggaamiyaha ayaa kulan la qaatay Madaxda SoDMA iyagoo kaga mahadceliyay hoggaanka Hay’adda gargaarkii ay gaarsiisay dadkii ka barakacay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool ee maamulkaas iyo dhawaacyadii ay ka soo qaadday.

intaa ka dib Hoggaamiyaha Firdhiye ayaa ka warbixiyay baahiyaha gargaar ee ka taagan degannada SSC-KHAATUMO isagoo ka codsaday in hay’adda SoDMA sii waddo hawlaha gargaar oo wali baahi badan ay u qabaan shacabka halkaa ku nool.

Sidoo kale waxaa shirka qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Tiknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta Jaamac Xasan Khaliif oo dhankiisa ku ammaanay Hay’adda Maaraynta sida ay ugu gurmatay shacabka gobolka Sool.

About The Author