Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Wada-xaajoodka Dowladda Federaalka & Puntland oo iska casiley xil kaasi, isagoo eedeyna ujeediyey Madaxweyne Deni

08 Okt  2023 (Puntlandes.com) Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Wada-xaajoodka Dowladda Federaalka iyo Puntland, Eng. Ismaaciil Xaaji Warsame ayaa iska casiley xil kaasi, isaga oo eedeyna aad u culus u jeediyey Madaxweyne Deni.

Ismaaciil Xaaji Warsame ayaa caddeeyey inuu guddigu ahaa mid uu dhagar Deni uu ku mijaxaabinayo wadashaqaynta DFS, awoodna uu u yeelan waayey inuu kulmo ama shacabka kulamo u qabto.

Ismaaciil ayaa yiri “waxaa la gaaray waqtigii aan ka bixi lahaa guddiga si aanan qayb ugasii ahaan barnaamij fashilmay, guuldaraystay, aan la sixi karin, oo aan waxba tarayn wax faa’iido ahna u lahayn shacabka Puntland iyo Soomaaliya”

Ismaaciil ayaa sheegay inuusan guddigu wax awood ah lahayn oo uusan la xiriiri karin dawladda Puntland, dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka toona.

About The Author