Baarlamaanka Puntland ma sida GAAS ayey ogolyihiin ama daawadayaal ka noqdeen inay Cadaado qaadato Gobolka Mudug

17 jun 2015 (Puntlandes) Laga soo bilaabo 30kii july 2014 waxaa marba marka ka sii dambaysa sii xoogaysanayey Sheegashada ama doonitaanka ay DFS ku doonayo in Gobolka Mudug Puntland si xoog ah uga jarato iyadooba aad moodo in madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed cali Gaas uu sidaas kula Heshiiyey Kooxda uu hor ordayo madaxweynaha DFS Xasan Sheekh.

Hadda xaalku wuxuu marayaa Dastuur la yiraahdo waa la meel mariyey oo Xudduudayadu waa Gobolka Nugaal, hadaba aaway doorkii Baarlamaanka Puntland ma sida GAAS ayey ogol yihiin ama daawadayaal ka noqdeen in har cad Degmada Cadaado Sheegato Gobolka Mudug?

Guud ahaan Shacabka reer Puntland gaar ahaan reer Mudug waxay Baarlamaanka Puntland uga fadhiyaan inay doorkooda ka qaadaataan oo difaacaan Gobolka Mudug ama ay ku raacaan sida Gaas Kooxda Xasan iyo CabdiQaybdiid inay qaataan Gobolka Mudug.

Aamus iyo fadhi waa la soo dhaafay hadaan maanta wax meel la iska dhigin DFS ta jeebka u gashay Koox fidnawadayaal ah oo aan doonayn dawladnimo iyo Soomaalinimo, waa su’aale maxaa reer Puntland dabadhigay kuwan aanba dawlanimada doonayn, kuwan shaqada ka dhigtay Muran aan dhamaanayn, kuwan aan garna gelin garna ka bixin? Baarlamaanka Puntland waa inay ilaaliyaan midnimada dhuleed ee Puntland waana waajib Dastuuri ah haday taas gudan waayaan shacabku wuxuu u arkayaa isku mid iyaga iyo Kooxda BOOBKA ku socota.

Puntlandes.com

About The Author