Sawirro: Shirweynaha mucaaradka Puntland oo Garowe ka furmay

10 Okt  2023 (Puntlandes.com) Shirweynaha mucaaradka Puntland ayaa ka furmay caasimadda Puntland ee Garowe, gaar ahaan beerta ARLO ee duleedka magaalad.

Shirweynaha ayaa ku saabsan maaraynta marxaladda hubanti la’aanta ah ee ka taagan Puntland, gaar ahaanna arrimaha doorashada 2024.

Shirwaynaha oo labo cisho soconaya ayaa lagu wadaa in Mucaaradka Puntland ay ka soo saaraan go’aan midaysan oo ku wajahan marxaladda taagan, si Puntland looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Shirkaan ayaa imaanaya, iyadoo mudda xileedka madaxweyne Deni ay ka harsan yihiin wax ka yar 3 bilood, iyadoo ay tahay in Baarlamaanka cusub la dhaariyo dabayaaqada bisha disember madaxweynaha iyo kuxigeenkiisana la doorto 8da janaayo 2024ta.

Soiyaasiyiin ay ka mid yihiim musharixiin madaxweyne ayaa furitaanka shirweynaha naanta jhadbado ka jeediyey.

About The Author