Muuqaal: Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Puntland aaday doorasho qof & cod ayna goaamin doonaan goortay dhacayso PEC

14 Okt 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Puntland Siciid CabdulaahiDeni oo hadal u jeediyey shacabka Puntland ayaa ku dhawaaqay in Puntland aaday doorasho qof & cod ah, ayna goaamin doonaan goorta ay dhacayso gudigga doorashooyinka PEC.

Madaxweyne Deni ayaa yiri ” Anigoo ah Madaxweynihii Dalka waxaan ku dhawaaqaya in uu dalku u jiheeystay Doorasho hal qof iyo hal cod ah”

Dhanka kale Deni ayaa eedaeeyey dawladda Federaalka wuxuuna yiri “Waa nasiib daro in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aysan boggaadin Doorashoooyinkii hal qof iyo hal cod ee ka dhacay Puntland, taas bedelkeed inay ka shaqeynaysay in Puntland burburto”

Gudigga PEC ayeysan heshiis ku ahayan sharcininadooda jiritaan xukuumadda oo dhan ah iyo Musharixiinta, mucaadka iyo waxgaradka Puntland oo dhanka kale ah, iyagoo diiday dastuurkii uu sharcidarada ku furay Deni.

About The Author