Sawirro: Doorasho ka dhacday dugsiga Sare ee Gambool oo keentay burbur hantiyeed, dhimasho & dhaawac

14 Okt 2023 (Puntlandes.com) Hal arday ayaa ku geeriyoodey, arday kale iyo maamulihii dugsiga Sare ee Gambool ee magaalada Garowe waa ay ku dhaawacmeen iska-hor imaad dhexmarey ardada dugsiga iyo maamulkooda.

Khilaaf ka dhashay doorasho natiijooyin kala duwan uu maamulku kasoo saarey ayaa la sheegayaa inay sababtay kacdoonka ardayda oo gacan-qaad khaasare gaystay uu ka dhashay.

Burbur hantiyeed oo iskugu gadiidka ay macalimiimtu lahaayeen iyo qalabkii dugsiga ayaa sido kale uu sababay kacdoonka ardaydu.

About The Author