Daawo Video: Falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan Xukuumada Cusub ee Puntland
18 jun 2015 (Puntlandes) Falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan Xukuumada Cusub ee Puntland. Doodan ayaa waxaa ka qaybgalay Ciiro Xasan Axmed Dr. Ligle iyo Abshir Cali Qood.
Abshir Cali Qood ayaa wuxuu sheegay in uu ka soo horjeedo isku shaandhaynta iyo bedelitaanka qaar ka mid ah wasiirada isagoo intaas ku sii daray in uu madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu ku xadgudbay “4,5” kii beelaha Puntland ay ku dhisnaayeen. Abshir Cali Qood ma sheegin meesha ay Puntland ku qaadatay 4,5 kii Xamar iyo Qabiilka lagu xadgudbay oo sedkiisii uu madaxweynuhu ku xadgudbay.
Abshir Cali Qood ayaa intaas kuma uusan ekaane waxa uu madaxweyne GAAS ku eedeeyey inuu Xilkii ka qaaday sadexdii Wasiir uu ugu shaqada badnaa oo aan “YESMAN” u ahayn madaxtooyada wuxuuna inaas ku sii daray in madaxweyne GAAS uu taargadgaraysanayo sadexda magaalo ee kala ah Qordho, Garowe iyo Gaalkacyo uuna god ku riday “Midnimadii Puntland. Wasiirada uu Mr Qood taageersanaa ayaa Cali Xaaji, Saadiq Eenow iyo Guuleed Saalax
Abshir Cali Qood ma uusan faahfaahin sida GAAS uu godka ugu riday midnimada Puntland iyo waxa uu ka ba’shay reer Gaalkacyood? Soow madaxweynaha laftigiisu ma aha reer Gaalkacyood dalkoo dhana ma xukumo? Yaa Gaalkacyo leh oo uu ka hadlayaa Abshir Cali Qood? Muxuu yahay 4,5 ka beelaha Puntland oo uu Gaas ku xadgudbay soow Cumar Maxamuud madaxweyne ma haysto haddii qabiil la eego!!!! Soow Gaalkacyo madaxweyne kama ahan Puntland?
Daawo falanqaynta
Puntlandes.com