Muuqaal: Madaxweyne Muse Bixii oo u hanjabay Puntland

14 Okt 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ku hanjabay inay Puntland ishuran yihiin oo dagaalami doonaan maadaama ay dhul doonayso inay uga qaado qaab beeleed.

Madaxweyne Biixi ayaa yiri“Puntland oo aad ugu fadallo dheer inuu Somaliland hab beelaysan dhul kaga qaato waxan leeyahay waynu is hurranahay inay Somaliland dhul ka qaadi karto iyo in kale, waxa lamid ah xildhibaanno Kenya ah oo wax la qaybsada siddeetan quruumood oo kala Diin iyo kala Af ah, haddana dab ka dhex shidaya Somaliland.”

Muuse Biixi ayaa caddeeyey markii ugu horaysay inay jiraan wax uu ugu yeeray Ciidamo Madani ah oo dufaacaya deegaanada beelaha Somaliland, kuwaas oo uu ula jeedo Ciidan Beeleedyo uu u abaabulay dagaal sokeeye.

About The Author