Garabka Xukuumadda ee xildhibaanadii Bosaso oo gacan qaad dhexmaray labadan xildhibaan

15 Okt 2023 (Puntlandes.com) Fadhi ay saaka isugu yimaadeen garabka xukuumadda ee xildhibaanadii dhawaan kala doortay labada Gudoomiye ee Degmada Bosaso ayaa gacan qaad dhexmaray labadan xildhibaan oo la kala yiraahdo Cabdirsaaq Geeldoon iyo Cabdixamiid oo hal deegaan kasoo wada jeeda.

Inkastoo laba urur oo kala ah Ifiye iyo Kaah ay labadaan xildhibaan kasoo kala baxeen hadana Cabdixamiid ayaa isugu dedaal ugu jira inuu kamid noqdo xubnaha joogtada ah, waxaana uu Geeldoon u arkaa nin caqabad ku ah xubinimadiisa joogtadana la raadinaya cid kale .

Hoolka Dawladda Hoose Bosaso waxaa hareeyey buuq uu ka socon la’yahay fadhiga ay isugu yimaadeen xildhibaanadan.

About The Author