Muuqaal: Musharax Madaxwayne Xasan Shire Abgaal oo fariin adag u diray Deni

16 Okt 2023 (Puntlandes.com) Musharax madaxwayne Xasan Shire Abgaal ayaa digniin u diray Madaxwaynaha mudo xileedkiisu dhamaanayo ee Puntland, wuxuu sheegay in aysan Puntland ka hirgalayn qorshaha Deni ee uu mudo Kororsiga ku doonayo.

Wuxuu uga digay in uu Puntland dagaal uga rido damaciisa awgeed wuxuuna ugu baaqay in ku soo laabto dhaha wadal hadalka iyo doorasho heshiis lagu yahay mudad kooban ee uu harsan oo uu sheegay in cid walba ogtahay in aan lagu qaban karin doorasho dadwayne, uuna ka waantoobo ciidamada uu Garowe ku soo dumayo iyo dagaalka uu abaabulayo.

Wuxuu baaq u diray Madaxwayne ku xigeenka oo uu sheegay in uu yahay nin wayn oo dalka laga Ixtiramo uuna qaato doorkiisa oo uusan deni ku daawan burburinta Puntland taariikhdana uusan baal madow ka galin.

Gudoonka barlamaanka ayuu ku booriyey in aysan Puntland colaad u horseedin iyadoo ay wali taagan tahay midii shalay ay ku dhinteen dad ka badan 30 qof oo masuuliyadeeda barlamaanku lahaayeen .

Gudiga doorshada Puntland ee PEC oo uu sheegay in ay ku jiraan dad qiimo leh ayuu uga digay in deni u isticmaalo qorshihiisa mudo kororsiga iyo Burburinta Puntland.

About The Author