Dr Gaas “Nuxurka khudbaddii Deni muddo kororsi bay aheyd, taasna lama yeelo waa in Doorasho dhacdaa 8-January kuna dhacdaa sideeni hore ee 66-ka xildhibaan”

16 Okt 2023 (Puntlandes.com) Madaxwaynihi hore ee Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo waraysi siiyey BBC somali ayaa sheegay inuu madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ku doonayo doorashashada uu ka wado Puntland muddo kororsi.

Dr Gaas ayaa yiri “Nuxurka khudbaddii Deni muddo kororsi bay aheyd, taasna lama yeelo waa in Doorasho dhacdaa 8-January kuna dhacdaa sideeni hore ee 66-ka xildhibaan”

Gaas ayaa iftiimiyey inuu Deni u wakiishay muddo kororsiga inay keenaan Guddiga Doorashooyinka ee la isku khilaafsan yahay ee PEC wuxuuna yiri ”Deni wuxuu PEC ka Doonayaa muddo kororsi, lagama gaaaro doorasho qof iyo cod ah” madaxwaynihi hore ee Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas

Dr Gaas ayaa ka digay in haddii kororsi mar qura uu yimaado Puntland ay noqonayso sida Somaliland oo madaxweyne walba oo maray uu muddo kororsi sameeyey wuxuuna yiri  “Doorashada Puntland waa in ay xilligeedii ku dhacdaa, haddii kale waxa inagu furmaya sunne xun sida Somaliland ka taagan oo ah in qof walba waqti ku darsado”

About The Author