Muuqaal-Sawirro: Shirweynaha beesha Cumar Maxamuud ”Madaxweyne ma muuqato doorasho ka duwan tii adiga lagugu doortay oo Puntland ka qabsoomi kartaa”

17 Okt 2023 (Puntlandes.com) Beel-waynta Cumar Maxamuud ee gobalka Nugaal ayaa madaxweynaha Puntland Siciifd cabdulaahi Deni uga digay inuu damiciisa Puntland dagaal ku galiyo, kaddib kulan ballaaran oo ay ku yeesheen magaalada Garowe.

Beesha ayaa soo jeedisay inaysan dhici karin doorasho ka duwan tii dhici jirtay oo Beeluhu Xildhibaanada soo xulan jireen waqitga haray dartiis.

Warmurtiyeedka ayey Beeshu ku tiri  ”Madaxweyne ma muuqato doorasho ka duwan tii adiga lagugu doortay oo Puntland ka qabsoomi karta sidaas darteed waa inaad dadka iyo dalka u turtid una jiheysid habkii doorasho ee la isla yaqaanay.”

About The Author