Sawirradii Shirka Beel Waynta Cumar Maxamud ku yeelatay Garowe kana soo saaray Warmurtiyeed ku saabsan Xaalka Siyasadeed ee Puntland ku sugan tahay

17 Okt 2023 (Puntlandes.com) Beel Waynta Cumar Maxamud oo Shir ballaran ku yeelatay Garowe kana soo saaray Warmurtiyeed ku saabsan Xaalka Siyasadeed ee Puntland ku sugan tahay ayaa Deni uga digtay inuu damiciisa Puntland dagaal ku galiyo uguna baaqday inuu qabto doorashadii lagu soo doortay oo kale oo ku dhici jirtay Beeluhu Xildhibaanada soo xusha waqitga haray oo yar darteen.

Warmurtiyeedka ayey Beeshu ku tiri  ”Madaxweyne ma muuqato doorasho ka duwan tii adiga lagugu doortay oo Puntland ka qabsoomi karta sidaas darteed waa inaad dadka iyo dalka u turtid una jiheysid habkii doorasho ee la isla yaqaanay.”

Baarlamaanka waqtigiisu dhamaanayo oo haysta fursadii ugu dambaysay ee ay Puntland uga badbaadin lahayeen khilaaf siyasasadeed kaasoo horseedi kara qalalaase waxaan ugu baaqaynaa inaysan cimrigooda ceeb ku sagootiyin,

About The Author