Sawirro: Bulshada Qardho oo kullan ay isugu yimaadeen kutaageeray habkii 66-da lagu soo xuli jiray, 8-Janaayo Doorashadu qabsoonto

17 Okt 2023 (Puntlandes.com) Bulshada magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo caawa isugu yimid kulan ballaaran oo looga hadlayo doorashada madaxtinimada Puntland 2024 ayaa taageeray habkiiBeeluhu ku soo xulan jireen 66da Xildhibaan ee Baarlamaanka Puntland.

Kulanka oo ciwaankiisu ahaa ”Samatabixinta iyo adkeynta nabadgalyada Puntland” ayaa waxaa isugu yimid nabadoonada, waxgaradka, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo haweenka degmada Qardho.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayey ugu baaqeen inuu ilaaliyo midnimada iyo nabadda Puntland, taladana dib loogu celiyo Isimadii soo xuli jirey xildhibaanada golaha wakiilada.

Baaqa reer Qardho ayaa ku soo aadaya iyadoo isla maanta ay soo saareen laba baaq Beelaha Cumar Maxamuud iyo Ciise Maxamuud, iyagoo madaxweyne Deni ugu baaqay in sidii lagu soo xulu jiray Xildhibaanada lagu soo xulo si loo ilaaliyo amniga iyo wadajirka Puntland doorashaduna ay waqtigeeda ku dhacdo.

About The Author