Wasiir kuxigeenkii Cadaaladda Puntland oo ahna mas’uuliyiinta ugu sarreysa xisbiga Kaah oo is casiley

19 Okt 2023 (Puntlandes.com) Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Cadaaladda Puntland Maxamed Cali Faarax ahna mas’uuliyiinta ugu sarreysa xisbiga Kaah ayaa is casiley.

Wasiirka ayaa qoraal uu soo bartiisa Facebook ku yiri:

Ku: Madaxweynaha Dawladda Puntland

Ujeeddo: Is-casilaad

Anigoo ah: Dr. Maxamed Cali Faarax, ahna Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo Dhaqancelinta; kana mid ah Asaasayaasha Xisbiga Kaah iyo Masuuliinta sar-sare; waxaan go’aansaday inaan iska casilo jagada Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo sidoo kale xubinnimadii iyo masuuliyaddii Xisbiga Kaah aan u hayay.

Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Kuxigeenkiisa fursaddii ay ii siiyeen inaan u adeego bulshada Puntland intii ay xukuumaddaani talada haysay, waxaan kaloo u mahadcelinayaa saaxiibadaydii Golaha Xukuumadda iyo Golayaasha kale ee dawladda ee aan u wada adeegaynay bulshada reer Puntland.

Ugu-dambayntii, waxaan Puntland dad iyo dalba u rajaynayaa horumar iyo barwaaqo.

Allaa mahadleh;

Dr. Maxamed Cali Faarax

About The Author