Xukuumadda Deni oo ansixisay wadadii muddo kororka!!

19 Okt 2023 (Puntlandes.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka ansixiyey Golaha Wasiirada Miisaaniyadda sanadka 2024 oo dhamaystiran.

Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2024, oo dhan ($387,550,700), taas oo sannadkaa la siyaadiyey 3%.

Tani waxay muujinaysaa in dawladdu aaday muddo kororsigii ay inkiri jirtay iyadoo ay tahay markii u horaysay ee ay Golaha Wasiiradu ansixiyaan Miisaanid sanad dhamaystiran xiliga doorashada.

Golaha Wasiirada ayaa ansixin jiray Miisaanid sadexda bilood ee sanadka ugu horaysa iyadoo Baarlamaankuna ansixin jiray halka Baarlamaanka cusub iyo Xukuumadda cusub ay samayn jireen Miisaaniyad 9 bilood oo kaliya ah.

About The Author