Daawo Video-sawiro: Xasan Yusuf Dhuux oo Konteener Qalab kala duwan ku jiraan u diray Gobolka Mudug
18 jun 2015 (Puntlandes) Mudane Xasan Yuusuf Dhuux oo si xoogan uga shaqeeya horumarinta iyo isku xirka ummadda Soomaaliyeed ayaa waxa uu maanta ka soo diray magaalada Melbourne ee dalka Autralia Konteener ay ka buuxaan Qalab farabadan oo uu usoo diray Gobolka Mudug.
Konteenerka ayaa ah mid aad u wayn oo dhererkiisu yahay 6,5 mitir, waxayna kala yihiin Qalabka uu Xasan Yuusuf Dhuux soo diray sidatan:
- Sariirada Cisbitaalada ee Bukaanka la seexiyo
- Special Microscope
- Dawooyin kala duwan
- Buugaag iyo Stationary
- Mashinada Harqaanka
- Buugaag Aqoon sare ah
Sida ay ogaatay warbaahinta Puntalndes Xasan Yuusuf Dhuux ayaa uga u kala qorsheeyey Qalabka siadatan:
Cisbitaalka Bursaalax
Wuxuu Xasan Yuusuf Dhuux usoo diray:
- Sariirada Cisbitaalada ee Bukaanka la seexiyo
- Special Microscope
- Dawooyin kala duwan
Iskuulka Bursaalax
Wuxuu Xasan Yuusuf Dhuux usoo diray:
- Buugaag iyo Stationary
- Qaar ka mid ah Mashinada Harqaanka oo Iskuulka Farsamada uu leeyahay
Jaamacadda PSU faraceeda Gaalkacyo
Wuxuu Xasan Yuusuf Dhuux usoo diray:
Buugaag Aqoon sare ah oo cadadkoodu dhan yahay labaatan kun oo buug.
Xarunta Tababarka dadka aan Xirfada lahayn
Mudane Xasan Yuusuf Dhuux ayaa iminka waxa uu ku hawlan yahay in uu magaalada Gaalkacyo ka furo Xarun lagu tababaro dadka aan Xirfada lahayn gaar ahaan Gabdhaha iyadoo lagu bari doono sida dharka loo talo dabadeedna loogu shaqaysto. Xaruntan tababarka ayaa qalabkii ay ku hawlgali lahayd uu Xasan Yuusuf Dhuux soo saaray Konteenerkan.
Qalabkan maanta 18 jun 2015 ayuu Xasan Yuusuf Dhuux ka soo diray dalka Australia wuxuuna ku imaanayaa Gaalkacyo qiyaastii laba bilood haddii Allah idmo. Qalabkan ayaa ah mid ay dad badan ka faa’iidaysan doonaa iyadoo ay jirto baahi ay Bulshada Gobolku u qabaan.
Xasan Yuusuf Dhuux ayaa waxaa uu marwalba isku hawlaa ka shaqaynta isku xirka iyo Horumarinta Bulsha Soomaaliyeed isagoo door lixaad leh ka soo qaatay Mashuucyo laga faa’iiday oo najaxay sida kan Horumarinta Bulshada Bursaalax.
Daawo sawirada iyo Videowga
Daawo Videowga 1aad
Daawo Videowga 2aad
Puntlandes.com