Madaxdii hore Somalia oo digniin culus ka soo saaray goaankii Xasan Sheekh…

19 Okt 2023 (Puntlandes.com) Qaar ka mid ah Madaxdii hore ee kala ah Shariif Sheekh Axmed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, Cabdiweli Sheekh, Xasan Cali Kheyre, Ridwaan Xirsi Maxamed, Dr Cabdinuur Sheekh, Hon. Cabdulqaadir Cosoble iyo Dr Cabdinaasir Cabdulle ayaa waxay si wadajir ah u soo saareen War-murtiyeed waxay si adag uga horyimaadeen hadal dhawaan uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiska golaha wadatashiga qaran, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.

Madaxweynaha ayaa markaas ka digay in la diido wax aan loo heyn sabab ama xal kale, wuxuuna yiri “Wax waa diidi kartaa, laakiin soo barbar dhig mowqifkaaga iyo waxa aad dooneyso, haddalaba xisbi in la qaato ayaan go’aansanay hadaa diidan tahay qorshahaas noo sheeg sida aad rabto oo nagu qanci xalka ku jira.”

Mucaaradka oo daba socda hadalka Madaxweynaha ayaa bayaanka ay soo saareen waxay nasiib darro ku tilmaameen in madaxweynaha uu isku dayo sidii uu go’aan kalligiis ah uga gaari lahaa masiirka dalka.

“Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tallaabsado siyaasad kala qaybinaysa dadka Soomaaliyeed xilli loo baahan yahay in dalka lagu mideeyo la-dagaallanka argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaankan.

Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxay shacabka ku wargeliyeen in aan marnaba la aqbali doonin in dalka lagu hoggaamiyo tallo aan loo dhameyn una horseedaysa dalka iyo dadka Soomaaliyeed qalalaase iyo kala qoqobnaan.

“Haylka dowladnimada ee hadda inoo dhisan waa heshiis ay galeen dadka Soomaaliyeed wax ka beddelkiisana ay muhiim tahay in laga qeyb galo dhamaan bulshada Soomaaliyeed loona maro dariiq Dastuuri ah,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale waxay ka digeen in khatar la gelin nidaamka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed lagana foojignaado waxkasta oo shaki gelin kara awood qeybsiga, dalkana u horseedi kara dib u dhac.

“Madaxweynaha ma lahan awood dastuuri ah oo uu go’aan uga gaari karo inta xisbi ee uu dalku yeelanayo ama nooca dowladeed ee dalku qaadanayo ee waa in lagu saleeyaa tallo loo dhan yahay oo la isla ogol yahay, waafaqsana shuruucda dalka u degsan.”

Madaxweynaha ayay ugu baaqeen in uu joojiyo fara-gelinta joogtada ah ee uu ku hayo hay’adaha sharci dejinta dalka una madax baneeyo howsha loo igmaday, iyaga oo ku booriyayna Baarlamaanka in ay gutaan masuuliyadii loo igmaday, islamarkaana ay dhowraan Dastuurka iyo shuruucada dalka.

Bayaanka Mucaaradka ayaa ugu dambeyntiina waxaa beesha caalamka loogu baaqay in ay isha ku hayso xaaladda murugsan ee uu dalku ku sugan yahay.

About The Author