Sincad, Ifiye & Mustaqbal oo la filayo inay goaamo la xiriir doorashada soo saaraan

21 Okt 2023 (Puntlandes.com) Ururada Sincad, Ifiye iyo Mustaqbal ayaa maanta la filayaa in ay go’aamo ka soo saaraan shirar ay la qaateen siyaasiyiinta mucaaridka, Ururrada Bulshada Rayidka iyo Culimada.

Ururadaan ayaa doonaya in doorashada Baarlamaan lagu qabto mid shacabku soo daartaan xildhibaannada Baarlamaanka isla markaasna uu Baarlamaanku dooran doona Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Warar laga helayo ayaa sheegaya in madaxda Ururada qaar ay qabaan in doorashadu ahaato mid furan oo qof aan Urur ku jirin u tartamo karo xildhibaan ilaa Madaxweyne.

About The Author