Sadex Askari oo dil toogasho lagu fuliyey

21 Okt 2023 (Puntlandes.com) Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan oo ka tirsan Militaryga iyo Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo Boliiska KGS ka tirsan ayaa saaka Baydhabo dusheeda looga Oofiyay dambiyo dhiig daadin ah oo ay hore u galeen.

Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) iyo Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan oo ka tirsan Militaryga ayaa beerta qurun Jiis oo deegaan Dug Baydhabo ku taal ku dhex dilay AUN Muxudiin Maxamed Cabdiraxmaan June 18 2018-kii.

Halka Cabdullaahi uu Dilay Isgoowe Maxamed Aadan Juun sedaxdeedii sanadkan, marxuumka ayaa ahaa farmashiiste isku diyaarinayay guri gal laakiin u dhintay ka doodidda xabad kor loogu riday.

About The Author