Muuqaal: Wasiirka maaliyadda DFS oo ka hadlay meesha ay marayso deyn cafinta Soomaaliya

21 Okt 2023 (Puntlandes.com) Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan ayaa hadlay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya oo haatan marayo dhamaad.

Ugu horreyn wasiirka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay warbixintii u dambeysay ee laga soo saaray deyn cafinta Soomaaliya oo ay IMF si weyn ugu boggaadisay dowladda, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Sidoo kale wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in haatan ay sugayaan kaliya in lagu dhawaaqo go’aanka, isaga oo sheegay inuu soo bixi doona bisha December ee sanadkan 2023-ka.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa yiri “Waxaan rabnaa in deyn cafinta ay dhammaato bartamaha bisha December ee soo socota muddo bil iyo bar ah ayaa naga xigta, dhammaan shuruudihii dhinaceeda waa soo dhammaadeen kaliya waxaan sugeynaa go’aanka oo aan fileyno inuu soo bixi doono”

Dhanka kale waxa uu tilmaamay in arrinay ay ku timid dadaalka ay dowladda ka sameysay dakhliga gudaha oo uu xusay in 25% horumar ballaaran laga sameeyay

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in la maareeyay canshuur dhaafka dalka oo markii hore dhibaato weyn ay ka jirtay, taasina ay keentay inuu sii horumaro dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb-qaataan horumarka socda ay bixiyaan canshuuraha, si ay u helaan adeeg dadweyne oo muhiim ah.

“Dadka Soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa, kuna bozgaadinayaa inay door ka qaataan dib u dhiska dhaqaalaha iyo bixinta canshuurka” ayuu kusoo gabagabeeyay wasiirku.

About The Author