Somaliland Laas-Caanood Maka Maarantaa

Horta Laas-Caanood Waa tuma?
Laas-Caanood waxay dhacdaa Dooxada Nugaaleed, waana magaalo madaxda Gobolka Sool. Waxay Garowe u jirtaa 132 km, markaad gaari ku aado, Hargeysana 381 km oo dhulka ah. 2014 tiro koob ay samaysay UNFPA tirada dadka ku noolahaa waxaa lagu qiyaasay 156,438 qof.


Dadka reer Las-canood kama mid ahayn qabiilooyinkii saxiixay heshiiskii Gumaysigii ingiriiska (Colonial Protective Treaties), waxayna ahaayeen dad si adag uga horyimid gumaysigii gumaystaha. 31-gii July 1903 niman sahan u ahaa ciidankii ingiriiska oo 30 (British Scouts) ahaa iyo 124 Darwiish oo ilaalo ahaa baa isku helay meel aan sidaa uga fogeyn Laas-caanood, waxana laga dhigay wax dhintay iyo wax dhaawac noqday ciidankii sahanka ahaa ee Ingiriiska, waxaana halkaa ku dhintay hogaamiyihii hogaaminaayey oo nin caddaana ahaa. 1954 iyo 1955 xaaladahii markaa ka jirtay gobolada Waqooyi galbeed iyo waqooyi bari waxaa laas-caanood lagu aas-aasay xisbigii USP oo ay ku midoobeen reer Laas-canood, Borame iyo Sanaag bari.

15 Oktober, 1969 waxaa Laas-Canood lagu dilay madaxweynihii labaad ee Somaliya, Cabdirshiid Cali Sharmaarke, asagoo safar shaqo ku maraayey magaaladaa, waxaana dilay mid ka mid ahaa ilaaladiisa. Aaskiisii maalin ka dib waxaa dhacay afgabsi ciidameed oo uu hogaaminaayey Maxamed Siyaad Barre, 21 Oktober,1969, ilaa iyo 1991-kiina waxaa Somaliya xukumaayey talis melatari ah oo wax badan oo xadgudun ah sameeyey, ugu danbayntiina jabhado abuurmeen, dowladnimadiina kala-daadatay.


1991 ururkii SNM wuxuu ku dhawaaqay goni isu-taag iyo inuu Somaliya ka tashaday. ayadoo doododu ahayd kacaankii baa tacadi noogeestay, heshiiskii 1960-giina waa ka noqonay, Waxaana Burco shir ka dhacay loga dhawaaqay Somaliland, oo la-sheegay in heshiis lala galay Gobolada darfaha Galbeedka iyo Bariga oo aan SNM dagaalkii ay galeen kula jirin, dagaalkaas oo beesha dhexe ku koobnaa.


Laas-Canood waxay muddo ahayd meel nabdoon. Kadib Dhalashii Puntland iyo sheegashadii ka mid ahaan-shaha Laas- Canood waxay abuurtay dareen xaasaasi ah. 2002 Madaxweyne Riyaale Kaahin ayaa safar lama filaan ah ku tagay Laas-Canood, asagoo watay ciidan xoog leh, muddo ka dibna waxa isku dhacay dadkii deegaanka iyo ciidankii la socday madaxweynaha, muddo yar ka dibna dibaduu uga baxay magaalada, waxaana la wareegay ciidan taageersanaa Puntland.


2007 waxaa isfahmiwaa dhex-maray Wasiir Xaabsade oo ahaa wisiirkii Arimaha gudaha ee Puntland iyo Wadaxweyne Cadde Muuse. Xaabsade oo kaso jeeda deegaan Sool ayaa kaxaystay ciidan beeleed, wuxuuna dagaal la galay ciidankii Puntland ee joogay Laas-Canood, wuxuuna la- wareegay gacan ku hayntii magaalada, markaas oo Xaabsade iyo madaxweyne Riyaale ay dhexmareen heshiis uu uga midnoqday golihii wasiirada Riyaale, muddo dabadeedna waa isku dhaceen Xaabsade iyo maamulkii u ku biiray, wuxuuna dib ugu so laabtay Garowe, asagoo ka fara maran LAASKII CAANAHA. Intii waqtigaas ka danbeysayna waxaa gacanta ku haysay Somaliland ilaa maanta oo isbadal waji cusub leh uu ka dhacay.


Haddaba, Somaliland maka maarmi kartaa Laas-Canood iyo dagmooyinka kale ee Sool ee Khaatumo degto?


Somaliland doodeeda ugu weyn waxay tahay oo sheeganaysaa inay xuduuddii ingiriiska xad u tahay, haddii ay faraheeda ka baxdana waxaa lumaaya sheegashadii xududahii uu gumaysigii ka tagay iyo sheegashadii in Somali ku

midowday Koonfur iyo Waqooyi, sidii ay AWDAL ula sii midoobilahayd Somalilandna waa mid su’aal keeni karta haddii Sool iyo Buuhoodle faraha Somaliland ka baxaan!


Haddaba, ma suurtoobi-doontaa inay SOMALILAND-TA maanta ku qancaan waxay u dagaalamayeen oo ahayd in la aqoonsado gar iyo gardaba, mana aqbalidonaan heshiiskii ay la galeen reer Sool inay ka bixi karaan?


Haddaba reer Sool iyo Laas-caanood xaaladooda maanta waxay ku dhawaaqayaan in dhulkooda ay ka taliyaan, 13-kii isinna hal eray oo isku mid ah bay ku dhawaaqayaan: Aayaheena inaan ka tasho ayaan rabnaa, dhulkeenana aan xor u ahaano, mana aha mid qancinaysa Somaliland!!


Mahamud J. farah
Mahamudjfarah@gmail.com
U.S.A

Qoraalka wxa qoray mudane Maxamuud Faarax Warbaahinta Puntlandes waa ay daabacday iyag´doon waxba ka bedelin.

About The Author