Akhriso War-murtiyeedka Sincad, Ifiye & Mustaqbal ee la xiriira arrimaha doorashooyinka Puntland

21 Okt 2023 (Puntlandes.com) War-murtiyeedka soo baxay Sincad, Ifiye iyo Mustaqbal oo la xiriira arrimaha doorashooyinka Puntland.

  1. In Doorashada Puntland ee 2024 lagu galo nidaamka inoo socdey ee qof iyo cod, taas oo ah Baarlamaani.
  2. In qofkasta oo reer Puntland ah u madaxbanaan yahay in la dooran karo waxna uu dooran karo isaga oo madaxbanaan ama xisbi ka tartama, sida uu qabo dastuurka qodobka 44 farqada 1aad.
  3. In meesha laga saaro doorashada Madaxweynaha iyo ku-xgeenkiisa in lagu galo mid dadweyne kadib isbeddelkii lagu sameeyey dastuurka, kaas oo aan loo marin habraac sax ah.
  4. In doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkisu ay u dhacdo si baarlamaani ah, oo xildhibaanada la soo doortey ay doortaan Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa
  5. In doorashada lagu qabto wakhtigeedi sida uu sheegay Madaxweynaha Puntland, si looga fogaado in hay’adaha dastuuriga ah ay noqdaan sharci darro.
  6. Waxaan soo jeedineynaa in aan adkeyno nabadda, laga dheeraado hadalada xanafta leh ee warbaahinta la isu marinaayo.

About The Author