Muuqaal: Eng Jabiye ”waxan qaadaynaa wada kasta oo lagu heli karo Xasinooli…..”

22 Okt 2023 (Puntlandes.com)  Gudoomiye Ururka SINCAD Maxaamud Khaliif Xasan Eng Jabiye oo ka hadlay Warmurtiyeedkii ay xalay soo saareen Ururada Sincad, Ifiye iyo Mustaqbal ee ay uga horjeesteen hubanti la`aanta uu madaxweyne Deni ku wado Puntland ayaa waxa uu sheegay inay qaadayaan wada kasta oo looga hortagi karo in Puntland gacan ka hadal dambe ka dhaco.

Eng Jabiye ”waxan qaadaynaa wada kasta oo lagu heli karo Xasinooli, Puntland na lagu badbaadin karo…….. Puntland sifo sharci ah looma marin dastuur bedelidii xukuumadda”

About The Author