Sawirro: Boqor Burhaan oo ku wajahan Garowe ayaa lagu soo dhoweeyey deegaanka Xaaji-Khayr ee degmada Dangorayo

22 Okt 2023 (Puntlandes.com) Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wafdi uu hogaaminayo oo saaka kasoo safray magaalada Qardho ayaa lagu soo dhoweeyey deegaanka Xaaji-Khayr ee degmada Dangorayo.

Boqorka oo socdaalkiisu ku wajahan yahay caasimadda Garowe ayaa halkaasi uga qaybgeli doona kulamo lagu dejiyo hubanti la`aanta doorasho ee ka jirta Puntland, iydoo haatan la isku khilaafsan yahay nidaamka doorashada lagu geli doono 8da Jan 2024.

Garowe ayaa waxaa ku sugan Isimo badan oo ka kala yimid gobolada Puntland, sidoo kale la filayaa inay Garowe yimaadaan isimada kale ee Puntland, kuwaas oo qayb ka noqon doona kulamada samatabixinta ee hogaaminayo boqorka.

About The Author