Sawirro: Shirka Ismada Puntland ee samata bixinta Puntland oo Garowe ka furmay

22 Okt 2023 (Puntlandes.com) Inta badan Isimada Puntland oo ka kala yimid gobolada Bari, Mudug iyo Nugaal ayaa caawa shir ku saabsan xaaladda siyaasadeed iyo doorashooyinka Puntland uu uga furmay Garowe.

Waxa la filayaa in ay soo saaraan go’aamo ah in doorashada la qabto xiligeedii 8da janaayo 2024ta, lagu galo sidii hore oo beeluhu u soo xulan jireen Xildhibaanada maadaama aan doorasho qof iyo cod lagu qaban karin waqtigeedii.

About The Author