Sawirro: Axmed Madoobe oo Nabadoonada Beesha Harti Maxkamad Ciidan saaray

22 Okt 2023 (Puntlandes.com) Nabadoonada Beesha Harti oo tirafdoodu tahay 11 xubnood ayaa waxa maamulka Axmed Madoobe waxay ku eedeeyeen inay Alshabaab la shaqeeyaaan, taas oo ah eedayn aan sal lahayn sida xaqiijinayaan odoyaal saaxiibo dhow la ah.

Maanta ayaa maamulka Axmed Madoobo waxa uu saaray Nabadoonada Beesha Harti ee Kismayo Maxkamad Ciidan, iyadoo Xafiiska xeer ilaalinta ee maxkamadda Ciidanka Jubaland ka codsaday maxkamadda inay u ogolaato labo bilood oo xabsi ku hayn ah inta waxay ugu yeereen baarista ay wadaan.

Nabadoonada Beesha Harti ee uu xirtay Axmed Madoobe ayaa magacyada waxay kala yihiin:

1. Nabadoon Cabdiqaadir Maxamed Macalin Ibraahim (MJ Idigfacle )                               

2. Nabadoon Ismaaciil Khaliif Ibraahim (MJ Wabeeneeye)

3. Nabadoon Shire Cismaan Maxamed (MJ Reer Biciidyahan)

4. Nabadoon Cabdi Barre Maxamed (MJ Cabdiraxim Ibrahim)       

5. Nabadoon Cumar Maxamuud Cilmi (Dhulbahante, Maxamuud Garaad)

6. Nabadoon Cabdirahman Maxamed Xirsi (Dhulbahante)

7. Nabadoon Yuusuf Cabdullaahi Jaamac (Dhulbahante, Xasan Ugaas)

8. Nabadoon Axmed Maxamuud Xasan (Dhulbahante, Xasan Ugaas)

9. Nabadoon Salaad Cabdi Maxamuud( MJ Cisman Maxamuud)

10. Nabadoon Cabdullaahi Bile Siciid (MJ Ciise Maxamuud )  

11. Nabadoon Axmed Cabdi Keyd (Dhulbahante, Xassan Ugaas)

About The Author