Muuqaal-Sawirro: Golaha Deegaanka Burtinle oo la fariisiyey madaxdana ladhaariyey

23 Okt 2023 (Puntlandes.com) Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Saciid (Juxaa) ayaa fariisiyey Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Wasiirka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku xigeenka Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ee ku yimi habka magacaabista.

Guddoomiyaha Degmada Buurtinle waxaa loo magacaabay Mudane Axmed Cabdirisaaq Cali (Dheereeye), oo ka soo baxay Xisbiga Sincad, halka kuxigeenkiisa loo magacaabay Cabdidaahir Jaamac Maxamed oo ka soo baxay Xisbiga Kaah.

About The Author