DHEGAYSO: Gudoomiyaha G Mudug oo ka codsaday Galmudug inay Amniga kala shaqeeyaan!!!

25

19 jun 2015 (Puntlandes)  Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdulqaadir Shire Faarax Erag ayaa Maamulada Koonfurta ugu baaqay inay amaanka kala shaqeeyaan, waxaana uu sheegay in amaanka oo laga wada shaqeeyaa Hormar iyo guul lagu gaari karo.

Dhanka kale Gudoomiye Erag ayaa riyo ku tilmaamay hadalkii kasoo weeray shirka Cadaado ee ahaa in Xaduudoodu tahay Gobolka Nugaal.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan ay Ergada shirku uga socdo ansixiyeen Dastuurka uu maamulkaasi yeelanayo iyadoo lagu sheegay inay Xuduuda Waqooyiga Maamulkaasi ay tahay Gobolka Nugaal taasoo micnaheedu uu yahay inay Gobolka Mudug iyagi leeyihiin.

Waxaa wax lagu qoslo ah hadalka RAQIISKA ah e eka soo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo aad moodo inuu ku hadlayo afkii madaxweyne GAAS.

 

Dhegayso Gudoomiyaha G Mudug


Puntlandes.com

 

About The Author