Madaxweyne Deni oo magacaabay Taliyaha & Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee 24-ta October, 2023, kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda

Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Aadan Cabdi Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Ilig) loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

About The Author