WQ Xildhibaan hore DFS Saleebaan Maxamuud Xaashi Xuubsireed.

WQ Xildhibaan hore DFS Saleebaan Maxamuud Xaashi Xuubsireed.

TAARIIKH MUDAN DIB U MILICSI

==============================

April 12, 2021, Baarlamaanka Somalia ee mudo xileedkiisu dhamaaday ayaa isku raacay shirciga jiheynta doorashooyinka Qaranka iyaga oo ansixiyay in muddo Labo sano ah lagu soo diyaariyo doorasho qof iyo cod ah.

Jihada wax kordhisay waa Baarlamaanka Federaalka, waxay ka shaqeeyeen inay hal qof dantiisa meel mariyaan. Wax u turid ama tixgelin ah uma aysan haysan dalka dhan ee dacdarraysan. Waxay dan u arkeen daraahimta ay damiirkooda ku doorsadeen.

Waxaase ka danbeeyay iyaga iyo kii ay wax u dhoodhoobayeenba in talada laga xayuubiyo doorashadana ay daawadayaal ka noqdaan iyagoo weliba naftoodu halis gashay.

Maanta PL waxaa ka taagan tii mid aan laga aqoon. Dariiqa qalalaasaha waxaa daahfuray waa guddi aan sharci ahayn laakiin dantooda ka doorbiday maslaxadda degaanka. Waxaa dabada ka riixaya waa nin aan kursi mooyee aan kas kale lahayn.

Qardajeexaan faa’iidada ugu wayn oo uu ka rabaa waa wakhti kororsi aan muddadadiisu cayinnayn ee marba xoogaa la durkiyo. Naftiisu waxay ugu sheekaysay ciidan iyo dhaqaale ayaad ku meelmarsan kartaa damacaaga.

Taariikhda Soomaaliya waxay dhigaysaa ciidankii qaranka Soomaaliya oo isagoo hubkiisii wata ku kala biiray beelahoodii kaddib markii nidaamkii siyaasadeed ee dowladnimadu fashilmay (1991). Taariikhdu waa soo noqotaaye 2022 kii ciidamadii Federaalka ayaa ka amar diiday Madaxweyne Farmaajo iyo muddo kordhintiisii kuwaasoo taageeray siyaasiyiintii beelahooda kasoo jeeday.

Reer Puntland ma xasuustaan inuu Madaxweyne Deni uu yiri saddex sano Puntlandba wax kama ogayne Federal baan ku mashquulsanaa. Wuxuu hormuud ka ahaa oo naf iyo maalba ku bixiyay ka hortagga muddo kororsigii iyo doorashadii dhalanteedka ahayd ee qof iyo cod ee Madaxweyne Farmaajo maciinka biday.

Waxaad mooddaa Madaxweyne Deni inuu ku dhacay nabsi siyaasadeed oo uu ka galay Madaxweyne Farmaajo.

Sheekadu waxba isma dooriso.

1- Waa oday kursigii dib kala macaanaaday iyo mucaarad hamuuman oo shanta sano ku dheerayd. (AAN RAKAATO IYO KAMIINTA AAN RAGO BAA RAG KALA DILAY).

2- Doorasho loo bixiyay qof iyo cod laakiin aan wax asaas ah lahayn natiijadeedana la yaqaan.

3- Ciidamo la diyaarsado oo la moodayo inay kuu dagaallamayaan lakiin marka wakhtigaagu dhammado waxay doonaan samayn kara.

4- Dad badan oo taageerayaal u muuqda inta muddadu kuu dhammaanayo biilashoodana sii qaadanaya illayn waa nafleey’e

5- Taageerayaasha baraha bulshada ee dadka Deni ka ra’yi duwan caaya isagana amaana iyo kuwa heesaha kacaanka ah odayga u qaada (DALKA DANTIISU WAA DENI).

Maxay ku danbayn kartaa qiyaas ahaan haddaan caqli kale imaan, Ilaahay baa qaybka oge!!

1- Isimadu hadday soo saaraan aragti ah in doorashada qaabkii hore loo daayo iyo hadday tan Deni rabo wuxuun ka baddalaanba dhanka Deni waa diidmada qayaxan.

2- Dagaal kharaar oo dhexmara garabka Deni taageersan iyo garabka mucaaradka. Markaan waxba la isma dheeroo ninna sharciyad ma haysto.

3- Ciidamada oo garabka Deni ka baxa oo garabka mucaaradka xoojiya

4- Dhaqaale badan oo odayga farihiisa ka daata inta uu is leeyahay cid kasta aamusi

5- Mucaaradka oo ka guulaysta Deni iyo doorashada oo 66 kusoo noqota

6- Hannaanka doorashada oo ay maamulaan dad aan Deni shaqo ku lahayn

Howsha oo ku dhammaata MARKAAN TABAR HAYAYNA TALO MAHAYN HADDA OO AAN TALO HAYANA TABAR MAHAYO!!

Bal aan jeedaalino, Ilaahaybaa oge. Ilaahayna waxaan ka baryaynaa inuu ( SANNADKA DHAMMAADAYNA HARAATIDIISA NAGA HAYO, KAN BILAABANAYANA HARDIDIISA)

AAMIIN

About The Author