DHEGAYSO: Afhayenka Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta K Mudug iyo Galgaduud ”Waxa aan maamulka u samaynaynaa waa Mudug oo dhan iyo Galgaduud

135d

19 jun 2015 (Puntlandes) Afhayeenka Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Koonfurta Mudug iyo Galgaduud Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in ergooyinka shirka maamul u samaynta Koonfurta Mudug iyo Galgaduud ay ansixiyeen dastuurka uu maamulkaasi yeelanayo.

Dastuurka ayaa waxaa ku jira in maamulkaas uu Waqooyiga Xuduud kala leeyahay Gobolka Nugaal taasoo micnaheedu yahay inay Qaateen Gobolka Mudug qaytiisa u badan ee hoos yimaada Dawlada Puntland.

 Rooble ayaa sheegay inay DFS ta Xasan Culusoow xalin doonto muranka iyaga iyo Puntland ee Xuduuda ah sida uu muran uga jiro Shabeelaha Hoose iyo Banaadir waa sida uu isagu sheegtaye.

Ugu dambayna markii wariyuhu waydiiyey Afhayeen Rooble Dastuurku wuxuu qabaa laba Gobol iyo ka badane sidee ku noqonaysaa Dawalad Goboleed ayaa wuxuu uu ku jawaabay si aan gabasho lahayn waxaan maamul u dhisaynaa waa laba gobol oo dhamaystiran isagoo sii sharaxay ayuu yiri waa Mudug oo dhan iyo Galgaduud DFS na sidaas ayey nagu ogtahay oo waa heshiiskii la galay!!

Waxaa wax lala yaabo ah in la isaga darsado shacab farabadan oo degen dhulkoodii lehna dawlad muddo 17 sano ah, Puntland,ay wax ka dhisteen, aana ka qayb gelin shirkooda ka socda Cadaado!!!

Dhagayso Afhayeenka Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Koonfurta Mudug iyo Galgaduud


Puntlandes.com

About The Author