Madaxtooyada Soomaaliya oo doonaysa inay tartanka ka harto Xil Marwa Cabdi, maxay tahay sababtu?

25 Okt 2023 (Puntlandes.com) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa Xaashi u qoray Xoghayaha guud ee Baarlamaanada caalamka ee loo yaqaan IPU, taas oo ku sheegayo in Soomaaliya kabaxday tartankii madaxweynaha xiriirka Baarlamaanada caalamka ee loo yaqaan IPU.

Xildhibaan Marwa Cabdi Bashiir Xaaji ayaa u tartamaysay xilkaas iyadoo loolan adag kula jirtay Gabar Tanzanian ah.

Wararar lagu kalsoon yahay ayaa Warbaaihinta Puntland u xaqiijiyey in Xaashida Aadan Madoobe qoray uu ka dambeeyo Madaxweynaha JF Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne xasan Sheekh ayaa doonaya in isgoo eeganaya danihiisa hgaarka ah uu kursiga u fududeeyo haweenayda Tanzanianka ah ee la tartamauysay Marwa. Xasan Sheekh ayaa deegaan iyo ganacsi ballaaran ku leh Tanzania doonayana inuu waji ka samaysto si ganacsigiisu u helo xiriir dhow oo uu dowladda la yeesho.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa cadaadis badan saartay gudoonka Baarlamaanka ee labada Aqal si ay uga noqdaan waraaqdii ugu sharaxeen booska madaxweynaha ee IPU.

waraaqda lagu sharaxay Marwa Bashiir oo ay labada gudoomiye aqal soo saareen bisha 9aad ayaa lagu yiri “ waxaa kalsooni badan ku qabnaa kartida Marwa Haji Bashiir, waxayna leedahay aragti cad oo ku aadan wax kaqabadan xaquuqda aadanaha, Dimuqraadiyada iyo isbedelka Cimilada Aduunka”.

Madaxtooyada Soomaaliya oo dane dhaqaale kala dhaxeeyo dalka Tanzania, deegaana u ah qoyska madaxweynuhu ay ka dalbatay gudoomiye Aadan Madoobe inuu markale diro waqad cadaynaysa in Soomaaliya ka baxday tartanka isaga oo xigana Marwa Bashiir.

Marwa Bashiir ayaa sheegtay inaysan ka harin hankeeda, jirina xiriir lagala sameeyey arinkaas.

About The Author