IMISAAN LAHAYN BAARLAMAANKII WUXUU NOQDAY XAFIIS MADAXTOOYO LAGA MAAMULO.

Xil. Marwa Cabdibashiir Xaaji, waxay isu sharaxday Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka bishii August 2023, maadaamaa dumar kaliya loo qoondeyay in ay ku tartamaan xilkaan, waxay ka mid noqotay afar dumar ah oo buuxiyay dhammaan sharuudihii laga rabay qofka noqonaya Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka.

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa la hor keenay in ay go’aan ka gaaraan utartamidda Madaxweynaha IPU, dhamaan way ayideen isla markaana waxay u arruuriyeen qaaraan.

Inta ay howshaa socotay, waxaa na soo gaarayay warar badan oo ah xukuumaddiinu waxay u ololaleyneysaa Tansania.

Xukuumaddu haddii aysan u muuqanin xilkaa weyn muhiimadda uu soomaaliya u leeyahay Soomaaliya iyo fursadaha taagan waxay ahayd, ayadoo shaqo iyo go’aan Baarlamaanku gaaray aysan dhex galin in Murashaxa iyo Guddoonka ay u yeeraan inta aana qarash iyo waqti naga bixin kuna qanciyaan waxa aan Tansaniya ugu badalaneyno.

Hase yeeshee markaan muruq & maalba gelinay oo aan la fariisanay 57 doladood oo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Ururka Jamaacadda Carabta oo labaduba aanu ka mid nahay oo si wada jir ah go’aan loogu gaaray in Soomaaliya la dhiso, isla markaana aan la kulanay Wadamo badan oo saaxibada Soomaaliya ah, kuwaas oo ballan noo qaaday, ayay dowladda Tanzania oo dowlad ahaan ololaha ugu jirta ogaatay in Soomaaliya ay culeys ku tahay, ka dib, waxaa naloo isticmaalay Madaxdeenii Dowladda Soomaaliya.

Waayadaan dhan waxaa na soo garaayay in si joogta ah culeys iyo handadaad loogu haayay Guddoonka Golaha Shacabka in uu qoro warqad ka tanaasulid utartamidda xilkaas, markay socon waayeen waraaqahoodii.

Nasiib darase, waxaan yaabnay markaan aragnay warqad saxiixeeda iyo tiimbaraheeduba electronic lagu saaray oo kabkab ah, haddii ay run noqoto waa qiyaano Qaran iyo dhabar ka toogasho waqti labada gole uu si rasmi ah shaqa ugu diray, dib dambana Soomaaliya oo xil caalami ah u tartameysa wadan ku dhiirada inuu banaanka u soo istaagaa ay adkaan doonto.

Qaraar/go’aan Baalamaanka labadiisa gole soo saareen in Madaxtooyada iyo Xukumaddu tala la’aan ay go’aamiyaan howlo Baarlamaanka u gaar ah oo uu horay go’aan ugu gaaray, waxay daliil xad u tahay Baarlamaan madax banaan inuusan jirin iyo cadeyn wixii jiray ee ahaa in uusan jirin Baarlamaan u madaxbanaan howlahiisa.

Ugu dambeyn, in kastoo dowladihii nala shaqeynayay ay gaartay warqadaan oo ay jahawareer gelisay, ayna wax udhimi karto ololaheena oo markii hore meel fiican marayay, haddana sharciga IPU udhigan waxaa lagu tanaasuli karaa oo kaliya; in qofka murashaxa ah uu asaga warqad qoro ama maalinta qudbadaha murashaxiinta ka hor caddeeyo inuu ka haray tartanka.

Waxaase waajib ah in ciqaabteeda ay helaan madaxdii hab-dhaqankaan dowladnimada iyo anshaxa ka fog ku kaxday.

Wabilaahi Towfiiq.

Waxa qoray guddoomiyaha Guddiga khayraadka ee Baarlamaanka Soomaaliya waana guddigii Marwo Bashiir ka tirsanayd

About The Author